915 Views

Madaxweyne Waare oo amar dul-dhigey Golihiisa Wasiirada

Madaxweyne Waare oo amar dul-dhigey Golihiisa Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Dhawaan ayaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle inay fadhi ka yeeshaan miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 si ay u ansixiyaan,si loogu gudbiyo Xildhibaannada Maamulkaas.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku amrey dhamaan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ee ka maqan Magaalada Jowhar ha ahaan kuwa fasaxa ku maqan iyo kuwo kale inay si deg deg ag dib ugu soo laabtaan.

 

 

 

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle daa’uud Xaaji Ciro oo faah faahinayey War kasoo baxay Madaxweyne Waare ayaa sheegay in inta lagu jiro diyaar garoow horkeenida golaha Miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 inay Golaha soo xaadiraan.

 

Amarkana ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa uu dul-dhigey Wasiirada xilli shalay Gelinkii dambe uu dib ugu laabtey Jowhar,isaga oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment