909 Views

Madaxweyne farmaajo oo sheegay inay jebiyeen Awooda Al-Shabaab

Madaxweyne farmaajo oo sheegay inay jebiyeen Awooda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 2, 2020-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay jebisay awoodii ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay guulo waaweyn ka gaareen.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab kaliya aysan dowladda dilin balse ay dilaan Shacabka,waxaana uu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo horjeestaan,isaga oo farriin mahad celin ah u diray Shacabka oo uu sheegay inay qeyb ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay yihiin kuwo laga soo abaabulay dalka dibadiisa si ay u burburiyaan dalka Soomaaliya,isla markaan ay wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ilaa iyo inta ay ka guuleysanayaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post