615 Views

Khilaafka u dhaxeeyo PSF iyo puntland oo wali ka taagan boosaaso.

Khilaafka u dhaxeeyo PSF iyo puntland oo wali ka taagan boosaaso.
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Waxaa wali magaalada boosaso ka tagaan khilaafka udhaxeeyo PSF iyo maamulka puntland waxaana Kulamo ku saabsan xal u helidda PSF iyo xukuumadda ayaa weli ka socda magaalada Boosaaso in kastoo aysan wali waxba kasoo bixin.

Dagaal socday mudo sedax maalin ah oo ka dhacay boosaaso una dhaxeeyay PSF iyo ciidanka puntland ayaa dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay waxaa masuuliyiin xilal kasoo qabtay puntland iyo dowladda dhexe ay boosaaso ujoogaan in ay colaada xaliyaan, heshiisna kala dhax dhigaan labadda dhinac in kastoo labada dhinac wali heshiis buuxa aysan gaarin.

Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland madax hore siyaasiyiin iyo wax garadka Puntland ayaa sidoo kale ku sugan Boosaaso, waxaa masuuliyiin katirsan puntland KNN ushegeen in ay wadaan xalinta iyo khilaafka PSF iyo ciidanka Dowlad goboleedka Puntland balse ay sugayaan saciid denni oo muqdisho ugu maqan ka qeeyb galka shirka wadatashiga qaran.

Kulamadaan u dhaxeeyo Isimadda masuuliyiinta puntland iyo PSF ayaabsocda mudda ku dhow laba todobaad haddana weli warbixin lagama siin bulshada islamarkaana lama sheegin natiijo ka soo baxday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post