294 Views

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha xilka kasii degaya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo  sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha xilka kasii degaya Uhuru Kenyatta
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha xilka kasii degaya Uhuru Kenyatta, wuxuuna sheegay inay ka wadahadleen doorashadii dhacday iyo marxaladda kala guurka ah ee Kenya.

“Waxaan wadahadal taleefoonka ah la yeeshay madaxdeyda madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaan ka wadahadalnay doorashooyinka guud ee dhawaan lasoo gabagabeeyay iyo marxaladda kala guurka sida ku cad dhaqankeena dimoqraadiga ah” ayuu madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Kenyatta ayaa shalay mar uu la hadlayay shacabka Kenya diiday inuu xuso magaca Ruto oo Isniitii Maxkamadda Sare ee Kenya ay go’aamisay gushiisa, waxaana Ruto uu hore u sheegay inuusan muddo bilooyin ah la hadli Kenyatta oo uu muddo 10 sano ah madaxweyne ku xigeen u ahaa,

Kenyatta ayaa doorashadii dhacday ku taageeray hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo markii shanaad u taratmay xilka madaxweynaha Kenya.

Ruto ayaa lagu wadaa in 13-ka bishan loo dhaariyo xilka madaxweynaha cusub ee Kenya.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post