777 Views

Guddiga Puntland u xilsaartay saameynta duufaantii GATI oo warbixin gudbiyay

Guddiga Puntland u xilsaartay saameynta duufaantii GATI oo warbixin gudbiyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 17, 2020 –
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey kulanka  23-aad ee Golaha Xukuumadda Puntland, kaas oo khamiis walba la qabto.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyey ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Maamulka.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha uu  ka dooday kadibna ansixiyey soojeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay Gobolka Karkaar lana hoosgeeyay Gobolka Bari.

Golaha Wasiirada Puntland  ayaa sidoo kale dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Maamulka, oo todobaadkii hore ay Madaxtooyadu usoo gudbisay Golaha.

Golaha wasiirada Puntland ayaa  ansixiyey Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud oo todobaadkii hore Golaha loo qeybiyey, maantana laga dooday.

Ugu dambeyn Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post