3618 Views

Wasiirka Warfaafinta oo isku shandheeyay Agaasimayaasha.

____________________________________________________________________________

Wasiir-Maareeye

Muqdisho, 16 January 2016: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiir Maareeye ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Waaxda Telefishinka ee SNTV C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, waxaana xilkaas loo magacaabay C/naasir Xasan Xuseen.

Sidoo kale Agaasime Al-Cadaala ayaa waxaa isna loo magacaabay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo ah waax ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa waxaa uu kaloo xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow, waxaana lagu bedelay Axmed Faarax Gaatamow.

Mr C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Qorsheynta iyo xiriirka dibadda ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa qaaday is bedel aanay horay u sameyn Wasiiradii ka horeeyay, waxaana lagu tilmaamay is bedelkan inay tahay tii ugu ballaarneyd.

Is bedelkan lagu sameeyay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan uu Madaxweynaha saxiixay sharcigii Saxaafadda oo dhamaadkii sanadkii hore uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment