1110 Views

Somali-British Ku Guuleystay Xildhibaanimadda Baarlamaanka Cusub Ee Europe

Somali-British Ku Guuleystay Xildhibaanimadda Baarlamaanka Cusub Ee Europe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Maajid oo bilowgii bishan iska casilay Duqa magaalladda Shefield ee dalka Britain ayaa ku guuleystay Xilka Xildhibaanimo ee Barlamaanka Europe (The European Parliament).

Xilhibaankaasi oo 29-jir ah ayaa noqday Duqii iyo Xildhibaanka ugu da’da yar ee Xisbiga Green Party.

Kadib, markii uu xalay ku guuleystay Kursiga Barlamaanka Europe waxa uu sheegay inay maanta tahay markii ugu horreysay ee Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Green Party ka mid noqdaan Barlamaanka Europe.

Majid Majid waxaa lagu xusuutaa muddadii uu Duqa magaalladda Sheffield ahaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump  yahay nin wasaq ah, kana mamnuuci doono inuu socdaal ku yimaado magaalladda Sheffield.

Majid Majid, isagoo 5 jir ah ayey isaga iyo qoyskiisa ka soo dhoofeen dalka Somalia, waxayna tageen dalka Britain oo ay ilaa iyo hataan ku nool yihiin  magaalladda Sheffield

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment