1851 Views

Jubbaland oo ka shirtay ka hortagga cudurka Karoonaha

Jubbaland oo ka shirtay ka hortagga cudurka Karoonaha
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbalad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlyay ka hortaga faafida xanuunka Covid-19, Shirkaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ka  soo qeyb galay laamaha Amniga Jubbaland, qaybo ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland iyo sido kale hay’adaha samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Ujeedada shirkaan ayaa ahaa sida bulshada looga waci galin karo xanunkan safmarka ah ee Covid-19 oo xiligaan ay u dhimanayaan dad badan oo Soomaaliyeed iyo sida ay dowladdu uga shaqayn lahayd yareynta khatarta xanuunkan.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka Covid-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post