903 Views

Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Xubin Al-Shabaab ah

Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Xubin Al-Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Qaaradda Africa ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe,ila markaana uu la beegsadey Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Qoraal kasoo baxey Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 2-dii Bishaan oo shalay aheyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Mareykanka ayaa duqeyntaas waxaa uu ku sheegay in uu ku diley Xubin ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kalena aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey dadka Shacabka ah,sida uu sheegay Taliyaha guud ee howlgalada Mareykanka ee Afrika, William Gayler.

 

War saxaafadeedka ka soo baxday Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Ciidamada Soomaaliya si looga guuleysto waxa loogu yeero argagaxsida.

 

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu weeraro dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waana duqeyntii 4aad ee Sanadkaan 2020 kaliya uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment