1839 Views

RW ku xigeenka oo kulan la qaatay safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya

RW ku xigeenka oo kulan la qaatay safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2018 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Safiirka dowladda Denmark u fadhisa Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xuseen Xaaji, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale waxa ay ka hadleen taageerada dowladda Denmark ay siiso Soomaaliya.

“Waxaan kulan la yeeshay Safiirka wadanka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen waxaanuna ka wada hadalnay iskaashiga labadda dal ee Soomaaliya Iyo Denmark & sidii Mashaariicaha horumarineed ee ay Denmark inaga caawiso loo dardargalin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya.

safiirka-denmark-2 safiirka-denmark-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment