384 Views

Netflix oo ka shaqaynaysa si aysan macaamiisheeda u wadaagin furaha sirta ah

Netflix oo ka shaqaynaysa si aysan macaamiisheeda u wadaagin furaha sirta ah
____________________________________________________________________________


Arbaco April 20, 2022

Saamiga shirkadda Netflix ayaa hoos u dhacay kaddib markii ay yaraatay tirada dadka filimaanta ka daawada bartaas markii ugu horreysay in ka badan toban sano.

Shirkadda ayaa lumisay labo boqol oo kun oo macmiil ah intii u dhaxeysay January iyo March.

“Kobaca dakhliga ayaa si weyn hoos ugu dhacay,” shirkaddu waxay u sheegtay saamilayda Talaadadii ka dib markii ay daabacday saamiga shirkadda ee sanadkan.

Shirkadda Netflix ayaa sheegtay in ka badan 100 milyan oo qoys ay jebinayaan xeerarka u yaala shirkadda iyagoo wadaagaya furaha sirta ah.

Shirkadda waxa kale oo ay sheegtay in tillaabooyinka lagu joojinayo wadaagga furaha sirta ah ee ay ku tijaabisay Latin America la gaarsiin karo waddamo kale, iyada oo lagu soo dallacayo lacago dheeraad ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post