1182 Views

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Kormeer Sameeyay

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Kormeer Sameeyay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda kula a kulmay wasiiru dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, oo uga xog-warramay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu wasaaradda ku sugnaa waxa uu guddoomiyay shir ay la lahaayeen hawl-wadeennada wasaaradda, isaga oo faray in la xoojiyo qorshaha dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal-gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment