879 Views

Madaxweyne Trump”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO”

Madaxweyne Trump”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjaro xiriirka waddankiisa kala dhaxeeyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxaa uu WHO ku eedeeyay iney ku guul- dareysatay in Shiinaha ay ku cadeyso inuu ka dambeeyay faafidda fayraska corona.
”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO” ayuu yiri madaxweynaha markii uu ku dhawaaqayay tallaabooyinka lagu ciqaabayo xukumadda Beinjing.
”Xukuumadda Washington waxay kharashaadka ku baxa WHO u weecin doontaa hay’adaha kale,” ayuu yiri Trump.
Mareykanka ayaa kharashka ugu badan hay’adda ku bixiya oo sannadkii 2019-kii waxa uu WHO ku kharash gareeyay aduun lacageed oo ka badan afar boqol oo malyan oo doolar ($400m).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment