2196 Views

Guddiga Doorashada KGS Oo La Dhameystiray & Xildhibaanada Oo Ansixiyay

Guddiga Doorashada KGS Oo La Dhameystiray & Xildhibaanada Oo Ansixiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixiyeen Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi oo 15 xubnood ka koobnaa.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi ayaa laga dhursugayaa darder gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo gudigaasi ka mid ahaa iyogudoonkooda ay is casileen.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haaya Badi Soomaalida meel kasto oo ay joogaan iyo beesha caalamka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment