303 Views

Dagaal u dhexeeya fallaagada M23 iyo ciidamada dowladda oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

Dagaal u dhexeeya fallaagada M23 iyo ciidamada dowladda oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Shacabka ku nool waqooyiga gobolka Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay fallaagada M23 iyo ciidamada dowladda.

Ciidamada oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ayaa fuliyay duqeymo ay ku beegsanayeen kooxda.

Waxaa loo maleynayaa in fallaagada ay weerarro ku qaadeen ilaa lix iskuul oo ku yaalla deegaanka isla markaana ay dhaceen raashiin halkaas ku keydsanaa.

Dagaalkan ayaa saameeyay xiriirka Congo iyo Rwanda, waxay labada dhinac isku eedeeyeen inay dagaal qeyb ka yihiin incasta ay labadooda beeniyeen.

Waxaa socdaa dadaallo diblumaasiyadeed oo la doonayo in lagu xalliyo xiisadda ka dhex taagan labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post