918 Views

Ilaalinta Qoondada Haweenka 30% ee Kuraasta Baarlamaanka!

Ilaalinta Qoondada Haweenka 30% ee Kuraasta Baarlamaanka!
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 18 2020—Ka doodista xuquuqda haweenka kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jiitameysay doorashooyinkii ugu dambeeyay dalka ka dhacay, waana qaraar soo ifbaxa marka la gaaro xiliyada doorashada.

Qodobka 5-aad ee heshiiska Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee heshiiskii xalay waxa uu quseeyay In qoondada haweenka oo leh 30% lana hubiyo sidii ay u heli lahaayeen kuraastaas.

Sidee loo hubinayaa? Yayse mas’uuliyad ka saaran tahay in ay hubiso?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa halkii Mudane waxa uu ku imaanayaa 101-Cod oo ah Ergada beesha iska leh kursagaas, waxaana ku loolami doono xubnaha ku fadhiya haatan, shaqsiyaad uga horeeyay iyo kuwo cusub.

Go’aaminta qofka ku fadhiisanaya kursiga waxa ay ku xiran tahay natiijada Guddiga howshaan loo xilsaaro uu ku dhawaaqo, inkasta oo galaangalka iyo dhexgalka Beelaha, Odoyaasha dhaqanka iyo Ergada codeyneysa ay ku kala xariifsan yihiin Musharixiinta.

21-kii June 2020, Golaha Shacabka ayaa u codeeyay in kuraasta Xildhibaannada Haweenka ah ay haatan ku fadhiyaan, kaliya ay u tartami karaan Dumar oo kaliya, si loo xaqiijiyo in Haweenku ay ku tashtaan kuraasta Baarlamaanka.

134 xildhibaan ayaa ogolaatay qaraarka Baarlamaanka ee kuraasta dumarka oo kaliya ku tartamayaan, 10 Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay Xildhibaanno kale, sidaas ayuu ku meel-maray, maadaama codka uu dhinac u batay.

Xildhibaanada Haweenka Golaha Shacabka ayaa tiro ahaan gaaraya 61 xubnood halka Golaha Aqalka Sare ay ka yihiin 13-Senator, waxa ay ka dhigantahay in haweenka ay baarlamaanka ka yihiin 24% halka Dowladii tan ka horaysay ay ka ahaayeen14% waxa ay tiro ahaan ahaayeen 42 xubnood.

Odoyaasha Beelaha oo ka go’aan gaara kuraasta Matalaadda Xildhibaannadu, miyay Haweenka oo kaliya u ogolaan-doonaan in ay u tartamaan mise?

Golaha Shacabka oo ansixiyay in Kuraasta Haweenka ku fadhiyaan aan lagula tartamin.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post