546 Views

Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay inay khasab ku dagaal-geliyanayaan Qaxooti & Muhaajiriin Afrikaan ah

Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay inay khasab ku dagaal-geliyanayaan Qaxooti & Muhaajiriin Afrikaan ah
____________________________________________________________________________

Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaani waxa uu ka digay inay Maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iran taageerto ay beegsanayaan Qaxootiga iyo Muhaajiriinta Afrikaanka ee ku nool dalka Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan.

Qoraallo Taxane ah oo uu Al-Eryaani xalay soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay inay Maleeshiyada Xuutiyiinta ay si khasab ah ku qortaan Qaxootiga iyo Muhaajiriinta Afrikaanka ee ku nool Deegaanadda ay Xuutiyiinta ka taliyaan, isla markaana loo adeegsado weerarada Is-qarxinta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulka Kooxdaasi doonayaan inay carqaladeeyaan Deganaanshaha iyo Ammaanka ee dalka Yemen iyo inay cabsi-geliyaan Danaha Caalamka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaani waxa uu ku eedeeyey Kooxda Xuutiyiinta inay galayaan Dembi Dagaal iyo inay si cad ugu xad-gudbayaan Sharuucda Caalamka.

Wasiirka waxa kale oo uu ugu baaqay Ururada u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Ururada kale ee Caalamiga inay cambaareeyaan falka ay Kooxda Xuutiyiinta ku qortaan, kuna dagaal-geliyaan Qaxootiga iyo Muhaajiriinta Afrikaanka ku nool gudaha dalka Yemen, isagoo xusay inay Qaxootigaasi loo adeegsanayo Danaha Xuutiyiinta iyo Iiraaniyiinta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post