954 Views

Puntland oo Galmudug gaarsiisay Gurmad la xiriira la dagaalanka Al-Shabaab

Puntland oo Galmudug gaarsiisay Gurmad la xiriira la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland  Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Maamulka  Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejiyay bilowga Taakulada Puntland uga qayb qaadanayso la Dagaalkanka Al-Shabaab ee  Deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.
Munaasibad ka dhacday Gaalkacyo  ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug  Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Anagoo ka wakiil ah  Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin kuwareejinay Galmudug oo uu wakiil kayahay Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaas oo aan uga qayb qaadanayno la Dagaalanka Al-Shabaab ee Deegaanada Wasil iyo Bacaadwayne, waxay bilow utahay Taakulooyin kuwaan ka sii waawayn oo aan aanu lagarab taaganahay waalalahayo Galmudug “.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post