1311 Views

Madaxweynaha Jabuuti oo warbixin ka siiyay Qaramada Midoobay xaaladaha Soomaaliya & Itoobiya

Madaxweynaha Jabuuti oo warbixin ka siiyay Qaramada Midoobay xaaladaha Soomaaliya & Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 24, 2021–Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xalay khudbad horay loo duubay ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Geelle ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Itoobiya iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Jabuuti iyo Eritrea.

Waxaa uu sheegay in  jabuuti ay ka go’an tahay sidii ay ugu tilaabsan laheyd wadamada geeska Afrika mustaqbal ku dhisan nabadgelyo iyo xasilooni leysku haleyn karo iyo maskax dhaqaalenoo ay ka wada faa’iideystaan dhamaan wadamada Geeska Afrika, sidoo kalena uu ka xun yahay qaabka sidii loo baahnaa ay ugu socon waayeen dadaalkii la isugu soo dhaweeynayay dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

” Jabuuti waxaa ka go’an inay markasta ka Shaqeyso dhismaha mustaqbal wanaagsan nabad waarta iyo isdhex-gal dhaqaale oo adag oo heer degmo ah oo ay ka wada faa’iidyestaan dhamaan dadyowga ku nool dalalka Geeska Afrika ayuu yiri” Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay soo dhaweyneyao horumarada ka socda Soomaaliya, sidoo kalena Golaha Ammaanka ee QM ay la wadaageyso walwalka ay ka qabaan xaaladda hadda ay mareeyso Soomaaliya.

Khudbadda Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar oo aad u dheereed ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada Itoobiya, waxaana uu sheegay in ay la socdaan xaalada kajira Itoobiya, isla markaana uu rajo ka qabo inay dadku si nabadgelyo ah u wada deganaadaan.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post