1113 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: October 23, 202

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed ) iyo wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaannada golaha shacabka, Senatortada cusub ee dhowaan lagu doortay Hirshabeelle, Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo u mahadceliyay dhamaan dadkii kala duwanaa ee ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kana hadlay Arrimaha Doorashooyinka ayaa sheegay inay si daah furan ay u soo dhameeyeen doorashada Aqalka Sare, tan golaha shacabkana ay u dardargalin doonaan hanaan wanaagsan oo lagu qanci doono.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa intaa ku daray in doorashooyinka golaha shacabka ee ka dhacaya Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne uu daah furayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle dhowaana uu safar ku tagi doono Magaalada Beleddweyne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post