852 Views

Sheekh Daa’uud oo Beeniyay in calanka Shiicada laga suray Mowliidka.

Sheekh Daa’uud  oo Beeniyay in calanka Shiicada   laga suray Mowliidka.
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Wararka ka imaanaya  Degmada Warshiikh ayaa sheegaya in Sheekh Daa’uud Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi oo ka mid ah dhasha Sheekh Cabdi Celi uu ka jawaabay warar sheegayay in xaflad halkaas ka dhacday lagu arkay Calanka Shiicada.

Waxa uu shegay Sheekh Daa’uud in si qaldan degmada Warshiikh loo keenay calanka, islamarkaana qofkii ka danbeeyay ujeedadiisa ay aheyd “Igu sawir”, balse goobta lagu qabtay oo dhaawac la gaarsiiyay.

Sheekh Daa’uud  oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in meelna aysan ka soo galin shiicada ayna dadka dagan somaliya iyo Warshiikh  ay yihiin Suniyiin.

Sidoo kale warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in Calanka sheecada lagu dhex arkay isku imaatinka Bisha Mowliid oo ku beegneed maalintii dhalashada Nabiga CSW oo ka dhacday Degmada Warshiikh.

Office Nairobi Kenyya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post