432 Views

Ukraine: Labo go’aan oo keliya oo u furan ciidanka Ruushka ee ku sugan magaalada Lyman

Ukraine: Labo go’aan oo keliya oo u furan ciidanka Ruushka ee ku sugan magaalada Lyman
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan xaaladda magaalada Lyman, oo ka tirsan gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, halkaasoo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Militariga Ruushka ee halkaas joogga, ayaa taliyeyaashooda ka codsaday inay u fasaxaan ka bixitaanka magaalada, balse codsigaas ayaa la diiday, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine.

Madaxa maamulka gobolka Luhansk, ee Serhiy Haidai, ayaa sheegay in askarta Ruushka ay hadda u furan yihiin labo go’aan oo keliya, oo kala ah: inay xoog ku baxaan ama in ay isdhiibaan.

Haidai, ayaa intaas ku daray in hadda magaalada Lyman ay ka xireen dhammaan waddooyinkii ay rasaasta ugu imaan lahayd ciidankaas, ama ay si nabad ah ugu bixi lahaayeen.

Hase yeeshee, sheegashadan ayaanay jirin weli cid si madax bannaan u xaqiijin karta.

Maalintii Jimcada, guddoomiyaha ay sameeyeen Ruushka gobolka Donetsk, Denis Pushilin, ayaa sheegay in magaalada Lyman ay “ku dhowdahay in la hareereeyo gebi ahaanba”, ciidamada Ruushkuna ay ka dagaallamayaan “saldhigyadooda ugu dambeeya”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post