288 Views

Qaramada Midoobay oo kordhiyay mudada howlgalka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo kordhiyay mudada howlgalka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 1, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah u kordhiyay howlgalka Soomaaliya UNSOM oo sii shaqeynaya illaa 31ka October 2023 sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo golahaas muddo kordhintaas ku sameeyay.

Golaha Ammaanka ayaa markale dib u cusbooneysiiyay howlgalka tirsigiisu yahay 2158 (2014) iyo 2592 (2021) kaddib markii fadhiga lagu dhex sameeyay codeyn u badatay in sanad uu sii howlgallo Xafiiska UNSOM ee sida dhaw uga warqaba Xaaladda Soomaaliya.

Qaraarka cusub ee tirsigiisu yahay 2657 (2022) waxa uu UNSOM u ogolaanayaa in shaqada sii wado illaa inta laga gaarayo 31ka October 2023 oo mar kale dib u eegis lagu sameyn doono sida lagu sheegay bayaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Fadhiga oo ay xaadireen wakiilo ka kala socday 15 Waddan oo shan kamid ah Kuraasta Joogtada ah 10 kursi oo ah kuwa doorashada ku yimaada, waxaa codeynta ka aamusay Wakiilka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ayaa soo jeediyay in la taageero Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS loo magac baddelay, dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Federaalka iyo dhinacyada kale ee ku taageeraya howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dib u cusbooneysiinta shaqada Xafiiska UNSOM ayaa lagu lifaaqay in uu si gaar ah ula socdo howlgallada militari, qorshaha looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Shacabka, ka shaqeynta xasiloonida iyo xoojinta Dowlad wanaagga.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa dib u cusbooneysiintaan ku sheegay in UNSOM looga baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo in uu xafiiskaan dib u eego kaalinta looga baahan yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post