2526 Views

Qarax 2-aad oo dhacay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax 2-aad oo dhacay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Febaraayo 28, 2019 – Waxaa goor dhow Qarax labaad laga maqlay halkii uu ka dhacay Qaraxii hore oo ah Hotel Makka Al-Mukarama.

Qaraxa labaad ayaa isna laga maqlay inta badan Muqdisho, ilaa haddana lagama helin xog faahfaahsan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn halka uu midkii hore ka dhacay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa ka hadashay qaraxyada iyo weerarada caawa ka socdo Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in dagaalyahanada ay si buuxda ula wareegeen Hotelka, ayna halkaas ka wadaan toogasho ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo madaxda DFS ee dagan Hotelka sida uu hadalka u dhigay.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in la maqlayo rasaas xoogan oo ka socota gudaha Hotelka, gaadiid ambalaas ah oo ku sii qulqulaya afaafka hore ee Hotelka.

Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa ah Hotelada ugu waaweyn ee Muqdisho, waxaana dagan xildhibaano, saraakiil dowladeed iyo diblumaasiyiinta.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment