777 Views

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Ciidamo uu Wato oo xoog ku qabsaday Xarunta Degmada Garbahaarey

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Ciidamo uu Wato oo xoog ku qabsaday  Xarunta Degmada Garbahaarey
____________________________________________________________________________


Khamiis: October 7, 2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada  Garbahaarey ee Gobolka Gado ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay ka taagneed xaalad kacsanaan ah.

Xaalada taagan ayaa timid kadib markii Ciidamo uu Wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada Garbahaarey, taas oo ka dhalatay Caro Xooga.

Macalimuu  ayaa maalmo ka hor ugu baaqay Madaxweynaha Jubbaland inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo.oo  haatan Degmadaas aysan lahayn Gudoomiye.

Sidoo kale Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban.

Office Naiorbi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post