936 Views

Askari Maraykan ah oo loo haysto inuu dab qabadsiiyay markab dagaal

Askari Maraykan ah oo loo haysto inuu dab qabadsiiyay markab dagaal
____________________________________________________________________________

Jimco: july 30 2021

Ciidanka badda Maraykanka ayaa dacwad ka gudbiyay askari loo haysto in sanadkii 2020 uu dab qabadsiiyay markab dagaal oo lagu magacaabo USS Bonhomme Richard.

Askariga oo aan magaciisa la shaacin ayaa loo haystaa in uu dab qabadsiiyay gudaha markabka, kaasoo khasaaro baahsan dhaliyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka badda oo lagu magacaabo Sean Robertson.

Markabka oo xilliga uu dabka ka kacayay ku xirnaa dekadda San Diego, California ayaa demintiisa waxa ay qaadatay muddo afar maalmood ah.

Ugu yaraan 40 askari iyo 23 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dabkaas.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhaayeenka ayaa lagu sheegay in askariga “uu xilligaas kamid ahaa shaqaalaha markabka Bonhomme Richard.”

“Caddeymaha la ururiyay inta uu socday baaritaanka ayaa ku filan in maxkamad lagu soo taago eedeysanaha iyadoo la raacayo hannaanka garsoorka milateriga,” ayuu yiri afhayeenka.

Gubashadii USS Bonhomme Richard

Dabka ayaa markabka ka kacay 12-kii July 2020, waxaana hawgalka deminta dabka oo qaatay afar maalmood ka qeyb qaatay diyaaradaha ciidanka badda iyo doonyo biyo badan ku shubay markabka oo qiimo ahaan ku fadhiya kharash dhan hal bilyan oo dollar.

Uurada ka kacday dabka ayaa xirtay hawada dekaddaas, waxaana uu dabka wiiqay birta adag ee laga sameeyay markabka awoodda badan

USS Bonhomme Richard oo culeyskiisu dhan yahay 40,000-tan ayaa la hawlgeliyay sanadkii 1998, waxaana uu kamid yahay maraakiibta dagaal ee tirada yar ee ay ka dul kici karaan diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Dabka ka dib, waxaa la go’aansaday in hawlgab laga dhigo markabka, maadaama uu kharash aad u badan ku baxayo dayactirkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post