981 Views

Maka “ Farxad ayaan la ilmeeyay markii si buuxda ah loo howlgeliyay Masjidka Xaramka

Maka “  Farxad ayaan la ilmeeyay markii si buuxda ah loo howlgeliyay Masjidka Xaramka
____________________________________________________________________________

isniin: October 18, 2021

Muslimiinta ayaa dhamaan salaadaha faradka maalinkii Axadda ku tukaday Masjidka weyn Xaramka iyadoo ay wajiyadoo laga dheehan karo farxad ayna ku jirto jawi iimaan buuxa ah.

Masjidka waxaa booqday dad badan oo cibaadeysanaya iyo kuwa gudanaya acmaasha Cumrada ka dib markii la fududeeyay tallaabooyinka taxaddarka iyo kuwa looga hortagayo cudurka COVID-19, sida in Meesha laga saaro kala fogaanshaha dadka cibaadeysanaya, iyo u oggolaanshaha Masjidka Weyn inuu ku shaqeeyo si buuxda.

Ku-simaha Madaxweynaha Guud ee Arrimaha Labada Masaajid ee Barakaysan Dr. Sacad Bin Muxammad Al-Mheimeid ayaa xaqiijiyay diyaargarowga buuxa ee soo dhaweynta dhammaan dadka doonaya inay cibaadeysataan iyo kuwa cumrada u imaanaya dalka iyo dibeddaba iyadoo la raacayo tallaaboyiinka ka hortaga COVID-19.

Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona.

Boqolaal qof ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib laba sanadood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

”Ilaahow Adigaa mahad iska kaleh kuna mahadsan inaad nolosha sideedii noogu soo celisay si tartiib ah. Fiiri dad badan ayaa soo cumraysanaya, ilaahow Adigaa ku mahadsan. Ilaahay idinkinkiis waxaynu helaynaa ajar, ilaah waxaan waydiisanaynaa in uu na abaal mariyo” ayuu yiri mid kamid ah dadkii fursada u helay inay masjidka ku cibaadeystan.

Wajiga koobaad ayaa loo ogolaaday iney acmaashooda si buuxda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka iyo masjidka Nabiga NNKH, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhiyay dhamaan tirada ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo.

”Dadka oo dhan waxay gudanayaan waajibaadkooda sida dhawaafka iyo wax walbo si nabdoon, oo fudud dhibna aan lahayn” ayuu yiri Al Xaaj Yuusuf Maxamad oo kamid ah dadka acmaasha cumrada gudanaya .

Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ay tallaal buuxda ah haysataan

Dhanka kale misaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa in ka badan 50 goor, si looga hortago cudurka safmarka ee fayruska corona.

BBC

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post