255 Views

Maxkamadda militeriga Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay 2 nin oo ‘Al-Shabaab ka tirsanaa’

Maxkamadda militeriga Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay 2 nin oo ‘Al-Shabaab ka tirsanaa’
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 24, 2022

Maxkamadda ciidamada ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ay ku heshay dambi ah inay horey dillal uga geysteen magaalada Muqdisho.

Labada nin ee la toogtay ayaa la kala oran jiray Shuceyb Cabdillaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar, waxana maxkamadda horteeda laga sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen tan iyo 2014 kii.

Shuceyb waxay Maxkamaddu ku heshay inuu horey Muqdisho ugu dilay afar qof, halka Saadaq ay maxkamaddu ku heshay inuu Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka dawladda.

Labada nin ee saaka la toogtay ayaa la soo xiray bishii Maarso sanadkii 2019 kii, waxana isla 2019 kii bishii Noofember maxkamad ciidan ku xukuntay dil toogasho ah.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post