2142 Views

Dowladda oo Ciidamo kala dhex-dhigtey maleeshiyaad dagaalamey

Dowladda oo Ciidamo kala dhex-dhigtey maleeshiyaad dagaalamey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 7, 2020 –Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo Millateri ah waxaa ay kala dhex-dhigtey laba maleeshiyo beeleed oo maalmahaan ku dagaalamayey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Dagaalka oo geysay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qaar kamid ah tuulooyin hoostaga Walanweyn,iyada oo si kala gooni gooni ah ay dilal u dhaceen.

 

 

 

Taliyaha AMniga Ciidamada DANAB oo la hadlayay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa u sheegay in loo baahan yahay in dadka Walanweyn ay ku wada noolaadaan nabad.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda ay u soo dirtey inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamey,waxaana uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dadka loo dilo si arxandarro ah.

 

Dagaaladii ka dhacay degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dhalay in qof la dilo,kuwo la gowraco,kadibna meydkooda dab la qabadsiiyo taas oo dad badan ay aad uga caroodeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment