1575 Views

Kenya “ Dadka aan la tallaalin waxaa laga mamnuuci doonaa goobaha dadweynaha

Kenya “  Dadka aan la tallaalin waxaa laga mamnuuci doonaa goobaha dadweynaha
____________________________________________________________________________

Isniin: November 22, 2021

Shacabka Kenya ayaa loo diidi doonaa baararka, maqaayadaha, iyo gaadiidka dadweynaha wixii ka bilowda 21 December haddii aysan si buuxda isaga tallaalin cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaas, Mutahi Kagwe.

Tallaabooyinkaan ayaa looga golleeyahay in la kordhiyo xaddiga tallaalka ka hor inta aan la gaarin xilliga fasaxa ah.

Wax ka yar 10% dadweynaha Kenya ayaa haatan la tallaalay.

Mr Kagwe ayaa walaac ka muujiyey tallaal qaadahsada oo si gaabis ah ku socota, asagoo sheegay in 10 cisho oo ol’ole tallaal ah uu bilaaban doono 26-ka November.

Inkasta oo uu jiro walaac laga qabo in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay ka jirto gabaabsi tallaal, haddana dowladda Kenya ayaa ku kalsoon in ay ku filan tahay ololaheeda tallaalka.

War qoraal ah ayaa Mr Kagwe wuxuu ku sheegay in kiisaska cudurka Covid-ka ee Kenya ay hoos u dheceen labadii bilood ee la soo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post