930 Views

Kulamo xal raadin ah oo ka bilaawday degmada Buulo-Burde

Kulamo xal raadin ah oo ka bilaawday degmada Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan halkaas oo shalay ay ka dhaceen bnaanbaxyo dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Banaanbaxaya ayaa waxaa shalay dhigey qaar kamid ah Shacabka degmadaas,kuwaas oo kasoo horjeeday safar uu ku tegi lahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle,waxana rasaas ay ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay banaanbaxayaasha ku rideen ku geeriyooday hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

 

Maanta waxa a dib u furmay Goobaha gancasiga iyo isku socodka magaalada oo shalay xirmay,kadib markii ay dhaceen banaanbaxyada rabshadaha watay.

 

Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayana inay halkaasi ka bilaawdeen kulamo xal loogu raadinayo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira degmadaas.

 

Kulamo u dhaxeeye Wafdi uu hoggaaminayo la-taliye Sare oo katirsan Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ay wasiiro qeyb ka yihiin iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa la sheegay inay halkaasi ka socdaan si xal looga gaaro khilaafka jira.

 

Qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buulo-Burde iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa kasoo horjeestay Maamul Cusub oo degmadaasi ay u Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle taas oo dhalisay xiisada ka jirta degmadaas.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment