1770 Views

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ku dhawaaqay in berri ay tahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ku dhawaaqay in berri ay tahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14, 2018 –   Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya Dagaaldega iyo farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qadar, Indonesia iyo Pakistan  ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ummadda Islaamka ayaa soo Soomnaa 29 berri oo bisha Ramadaan ah, waxayna ka faa’ideysteen kherka iyo barakada ku jirta bishan,iyaga oo hadana si aad ah ugu diyaar garoobaya Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Subaxda hore ee berri ayaa loo dareerayaa Tukashada Salaadda Ciida, iyadoo Garoomadda waa weyn iyo Barxadaha waa weyn dadka Muslimiinta ah ay isgu soo bixi doonaan si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment