1224 Views

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 22, 2019 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa soo xiray koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo dhammaadkiisa ay ku tartameen labada kooxood ee kala ah Horseed iyo Muqdisho City Club.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaadka cayaarta koobka guddoonsiiyey kooxda Horseed ee guushu raacday, uguna hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo dadaalkooda ku boggaadiyey kooxda kaalinta labaad gashay ee Muqdisho City Club.

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in cayaaruhu ay yihiin astaan nabadeed oo da’yartu uga qeyb qaadanayaan isdhexgalka bulshada, gaar ahaan ammaanka iyo xasilloonida Caasimadda, maadaama ay udub-dhexaad u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee koobka Jeneraal Da’uud waxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana isku imaatin ay bulshadu isku xogwareysanayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa tartamada noocaan oo kale ah”.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hormuud ka yahay adeegsiga cayaaraha, si bulshada la iskugu xiro, door weynna uga qaataan Nabadda iyo isku-xirnaantooda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment