414 Views

Cimriga dadka Afrikaanka ah waxaa ku kordhay 10 sano – WHO

Cimriga dadka Afrikaanka ah waxaa ku kordhay 10 sano – WHO
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Xiisadda ayaa wali taagan, kadib markii habeen hore hub Muddada uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo ayaa sanado badan ay ku darsameen, iyadoo cimrigooda ay ku darsantay ku dhowaad 10 sano. Markii hore inta uu qofka Afrikaanka ah noolaan karo celcelis ahaan ayaa lagu sheegay 46 sano haatanse waa 56 sano, sida laga soo xigtay hay’adda arrimaha caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

Kororka da’da ayaa waxaa sabab looga dhigay inay dadku heleen adeegyo caafimaad oo fiican inkastoo weli tirada inta la rabo ay ka hooseyso. Caalamka kale celcelis ahaan qofka ayaa noolaan kara 64 sano.

WHO ayaa falanqeyn ku sameysay xogta nolosha 47 dal oo Afrika ku yaalla intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2019.

Waxay sheegtay in kor u kaca muddada noolaanshaha ay Afrika kaga wanaagsanaatay qaaradaha kale ee caalamka, waxayse ka digtay in xanuunka safmarka ah ee Covid uu carqaladeyn karo horumarkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post