849 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo amray laamaha Amniga baaritaanada Qaraxii Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo amray laamaha Amniga baaritaanada Qaraxii Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 12 2020—Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa  faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay.

Gaba gabadii Madaxweynaha waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post