600 Views

Ciidanka DANAB oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub

Ciidanka DANAB oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 2022

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5aad Guutada 16 ee Kumaandoska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyayay Deegaanka Ceelcadde oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalku intii uu socday waxaa lagu dilay 11 Dhagar-qabe halka nolosha lagu qabtay 2 ka mida maleeshiyad, waxa kaloo laga soo furtay 6 qoray oo ah Ak-47 iyo Hal qori BKM ah Sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliye Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab, ayna qorsheynayaan sidii looga cirib tiri lahaa Jubbooyinka, isagoo xusay in labada qof la soo qabtay ay yihiin carruur ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post