903 Views

QM oo xaqiijisay in ruux la shaqeeynaayay laga helay Cudurka Corona Virus

QM oo xaqiijisay in ruux la shaqeeynaayay laga helay Cudurka Corona Virus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay maanta in shaqaale caalami ah oo ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ku leh Qaramada Midoobay laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

 

Ruuxa ayaa ka howlgallaayay Shirkad gaar ah loo leeyahay oo Qandaas kula jirta Qaramada Midoobey, islamarkaana ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

 

 

 

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in ay ku wargalisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya xilli hore oo Saaka ah.

 

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa shalay sheegtay inay soo kordheen laba kiis oo Covid-19 ah, mid waa muwaadin Soomaali ah, midna waa Ajnabi.

 

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaangeliyay oo Covid-19 gudaha Somaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment