1191 Views

Golaha Ammaanka oo ansixiyay xabad joojin laga hirgeliyo libya

Golaha Ammaanka oo ansixiyay xabad joojin laga hirgeliyo libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,  ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin,  isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona  meel-marinta go’aankan.

Sidoo kale  dowladda  midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee sanadkan.

Go’aanka golaha ammaanka ay codka aqlabiyad ah ku meel mariyeen ayaa ka dambeeyay soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres.

Libya ayaa deganaansho la’aan ku jirtay tan iyo 2011,  kolkaas oo xukunka  xoog looga tuuray hogaamiyihii dalkaas Macamar Al Qaddafi.

Dowladda Ruushka,  ayaa dalkeeda ka ceyrisay 10 diblomaasi oo Mareykan ah ka dib markii Washington cunaqabateyn dhaqaale ay ku soo rogtay Moscow, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sergey Lavrov, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,  ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ay kaga aargoosanayaan Mareykanka, isla markaana dhankooda xayiraado ku soo rogayaan shirkadaha waa weyn ee Mareykanka qaarkood.

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay doorashada Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray dalka Ruushka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post