915 Views

Kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa 24-kii Saac ee la soo dhaafay kulamo iska soo horjeeda ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Madaxweynaha Galmudug ee Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Kulamada ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo mid kasta uu ku muujinayay awoodiisa siyaasadeed ee deegaannada Galmudug iyo taageerada uu ku leeyahay walow Madaxweynaha Galmudug garabka Dowladda ay dad badan aqoonsan yihiin.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shalay waxaa uu kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee qeybta 21aad,isaga oo ku amray inay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo carqalad ku ah amniga deegaannada Galmudug.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ee Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhankiisa kulan la qaatey Dhalinyarada Dagmada Cadaado,kulankaas oo ahaa mid  Dhalinyarada ay ugu yimaadeen hambalyeen, wuxuuna dhalinyarada ka dhageystay Talooyin kusaabsan hormarinta Deegaanada Galmudug iyo sidii looga wada Shaqeyn lahaa Galmudug mid ah.

 

Khilaafka ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaanan weli xal loo helin,waxaana Dhuusamareeb ku sugan laba Madaxweyne halka Xaaf uu isna ku sugan yahay Gaalkacyo,isaga oo sheegay in uu weli yahay Madaxweynaha Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment