888 Views

Maxay tahay u jeedka Madaxweynaha Jubbaland uu u tagayo Garoowe?

Maxay tahay u jeedka Madaxweynaha Jubbaland uu u tagayo Garoowe?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-24-2020-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in uu safar ku tago Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, isaga oo halkaasi kula kulmi doona Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada madaxweyne Dowlad Goboleed ayaan ka qeyb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3 ee laga soo saaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, iyaga oo qaadacay qodobadii kasoo baxay Shirkaas.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kulan gaar ah waxaa ay ku yeelan doonaan Magaalada Garoowe, iyaga oo kulankooda uga hadli doona Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan Siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Garoowe, oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetaro heer Federaal ah.

Labada madaxweyne Dowlad Goboleed ee Jubbaland & Puntland ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore kasoo horjeesteen Go’aano kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, waxaana ay mudeysan yihiin diidmada go’aanada ay qaadato Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post