216 Views

Dalka Jabuuti oo la baadigoob lagu raadinayo lix askari oo la la’yahay ka dib markii ay weerar ku qaaday koox fallaago ah

Dalka Jabuuti oo la  baadigoob  lagu raadinayo lix askari oo la la’yahay ka dib markii ay weerar ku qaaday  koox fallaago ah
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 8, 2022

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka billowday baadigoob lagu raadinayo lix askari oo la la’yahay ka dib markii ay weerar ku qaaday Jimcihii koox fallaago ah. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in garabka hubeysan ee Jabhadda Dib-u-soo-celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla waqooyiga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari.

Jabhadda F.R.U.D. ayaa la aas-aasay muddo sodon sano ka hor ah si ay ugu dagaalanto xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Canfarta. Kooxdaan ayaa markii dambe laba garab noqtay, mid ka mid ah garabyadaas ayaana tagaeeray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo talada haya in ka badan labaatan sano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post