420 Views

Dhuusamareeeb oo lagu soo gaba gabeeyay shirka waxqabadka mashruuca CCCD

Dhuusamareeeb oo lagu soo gaba gabeeyay shirka waxqabadka mashruuca CCCD
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 23, 2022

Wasaaradda deegaanka iyo isbaddalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo gabagabaysay shir lagu soo badhigayay wax qabadkii iyo guulihii laga gaaray mudadii uu socday Mashruuca Kor uqaadista Awooda Dowladda ee dhanka maamulka deegaanka ee loo soo gaabiyo.

 Mashruucan ayaa waxa maalgalintiisa leh hayadda GEF waxaana fulinayay hayadda UNDP iyo dawladda Soomaaliya, iyadoo mashruucan kor loogu qaadayay awooda xafiisyada dawladda kaasoo xiriir la lahaa fulinta heshiiskii caalamiga ahaa ee Rio convention oo ay Soomaliya ku jirto wadama qaybta ah.

Heshiiskaas ayaa wax lagaga qabanayaa isbadlka cimilada , dhibaatooyinka kala duwanaashaha noolaha iyo taya dhaca dhulka.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay waxyaalihii u qabsoomay mudadii mashruucaasi socday iyo sidoo kale caqabdihii soo wajahay wakhtigaas.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen hay’addaha dawlada, hay’addaha aan dawliga aheyn, qaybaha bulshada iyo daneeyeyaaasha kale arrimaha deegaanka ayaa waxaa ugu horeyn furay Xuseen Axmed Maxamuud Agaasimaha Guud ee wasaradda deegaanka Galmudug.

Xaashi Cismaan Maxamed Hanti dhowraha guud ee Galmudug ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay wasaraddaha mashruucan kawada shaqeeyay in la hubiyo sida bulshada ay u gaarto fariimaha la gudbiyo ee muhiimka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post