1134 Views

Madaxweynaha Hirshabelle oo goor dhawayd soo gaaray Muqdisho..

Madaxweynaha Hirshabelle oo goor dhawayd soo gaaray Muqdisho..
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

Xili xaalada Muqdisho ay kacsan tahay ayaa waxaa goor dhawayd soo gaaray  Garoonka Muqdisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin kale.

Guudlaawe  Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ujeedka uu ku yimid caasomada dalka ee Muqdisho lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka wadanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana shalay gaaray caasimada dalkaMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Imaanshaha Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta ammaanka Muqdisho uusan wanaagsanayn, waxaana dadkii ku dhintey magaalada Muqdisho ka mid noqday maanta wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda magaalada Jowhar kaasoo ku dhintey madfac ku dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post