963 Views

Somaliland oo mamnuucday in dadka Soomaaliya ka socdaa somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka siminaarrada

Somaliland oo mamnuucday in dadka Soomaaliya ka socdaa somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka siminaarrada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 20|  2020—Xukuumadda Somaliland ayaa Mabnuucday in Dad Soomaaliya ka socdaa Somaliland u tagaan ka qayb-galka Siminaarrada, kulamada iyo shirarka.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la mabnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo bishii August ee sannadkan 2020 loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan.

Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ayaa loo qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan, waxaana lagu sheegay cidii fulin weysa in laga qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post