1521 Views

Deni oo kala diray Golihii degaanka Qardho maamulna u Magacaabay

Deni oo kala diray Golihii degaanka Qardho maamulna u Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |Axad:  September 12, 2021–Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post