1089 Views

Nin ka qeyb qaatey xasuuqii Rwanda oo lagu xukumey 25 sano oo xabsi ah

Nin ka qeyb qaatey xasuuqii Rwanda oo lagu xukumey 25 sano oo xabsi ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Maxkamadda sare ee Rwanda, ayaa ku xukuntay Jean Claude Iyamuremye shan iyo labaatan snao oo xabsi ah, maadaama uu galey dambi xasuuq markii ay dadiidu aheyd sagaal iyo toban sano.

Intii ay socotey dacwadda maxkamadda oo aheyd shan sano, Iyamuremye ayaa iska diidey inuu kaalin ku lahaa dilalkii dhacayey ee ahaa xasuuqii lagala soo horjeeday qabiilka Tutsi-ga, isagoo sheegay in hooyadiisba ay aheyd Tutsi.

Garsoore ayaa arbacadii sheegay inuu ku xukumi lahaa Iyamuremye xabsi daa’in, laakiin uu uggu qafiifiyey xukunkiisa maadaama uu ahaa qof yar markii uu galayey danbiga, uuna badbaadiyey qoysas u dhashey qabiilka Tutsi-ga.

Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay Iyamuremye inuu kamid ahaa koox dagaal yahano ah, kuwaasoo diley dad katirsan qabiilka Tutsi-ga oo ay daris ku ahaayeen caasimadda Kigali.

Iyamuremye ayaa laga soo xirey dalka The Netherlands sanadkii 2013-kii, halkaasoo uuka ahaa darawal u shaqeeya shaqaalaha safaaradaha Israel iyo Finland ay ku leeyihiin dalkani, isagoo dib looggu soo celiyey Rwanda sanadkii 2016-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post