3261 Views

Dhagayso:-Dagamo Katirsan G/Bakool Oo Dowlada Itobiya Dhulkeeda Ku Daratay

Dhagayso:-Dagamo Katirsan G/Bakool Oo Dowlada Itobiya Dhulkeeda Ku Daratay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 25, 2018–Maxamed Iidle Geedi  oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Islamarkaana la hadlay Qaranimo Online  ayaa sheegay in  dhawaan uu gaaray deegaano hoosyimaada Gobolada dhaca Xadduuda dalka uu la wadaago Itoobiya isla markaana halkaas uu ku soo arkay magaalo weyn oo ay la wareegtay Dowladda Itoobiya.

Maxamed Iidle Geedi  ayaa tilmaamay in Degmada Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool ay goosatay Dowlada Itoobiya oo maamusha isla markaana uu ka taagan yahay Calanka dowlada Itoobiya.

Xildhibaan Geedi ayaa sheegay in magaaladaasi gobalka Bakool looga yaqaano Aato Itoobiya balse ay tahay magaalo weyn ku taala dhulka Soomaaliya kana mid ah 6-da degmo ee Gobalka Bakool, sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka dhisatay Saldhig Booliis, MCH “Xarun Caafimaad” Iskuulo Dowladda Leedahay, iyo Xarumo kale.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku nool Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah Soomaalidana ay marti ku tahay magaalada.

Xildhibaanka hore waxa uu tilmaamay in Dowladaha Itoobiya iyo Kenaya ay si qaawan ugu soo duuleen Dhulka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhagayso 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment