1023 Views

Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya oo shaacisay in ay dhinteen seddax oo Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada Muqdisho

Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya oo shaacisay in ay dhinteen seddax oo  Al-Shabaab u qaabilsanaa  sameynta Qaraxyada Muqdisho
____________________________________________________________________________

\April 6, 2021  

Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ay ku dhinteen gaari kula qarxay deegaanka Basra.

Raggaan waxaa la sheegay in qaraxyadaas ay gaari uga soo qaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, balse uu ku qarxay markii ay marsiinayeen deegaanka Basra, 28-kii bishii hore ee Maarso, waxaana labada sarkaal la geeriyooday lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Dhanka kale seddax maalmood ka hor, 3-dii bishan Abriil, waxaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Daariq.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post