861 Views

Qooq Qoor oo xalay la kulmay Musharixiinta, Xasan Sheekh Maxamuud, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

Qooq Qoor oo xalay la kulmay Musharixiinta, Xasan Sheekh Maxamuud, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.
____________________________________________________________________________

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Qoorqoor la qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoona si gaar ah ugala hadlay Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, una gudbiyay cabashadooda Guddiga doorashada ee Galmudug oo la sheegay inay ku jiraan xubno nabadsugida ka tirsan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa saxaafada u sheegay in Madaxweyne Qoorqoor ay Musharaxiinta ka dalbdeen in isbedel uu ku sameeyo Guddiyada uu magacaabay, walaacna ay ka muujiyeen Guddigaas inay maamulan Doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu Musharaxiinta u sheegay in xubnaha Guddiga ee uu magacaabay ay yihiin rag ka tirsanaa xafiisyadooda lana soo xulay, isla markaana aysan ku jirin xubno gooni ah, ayna muhiim tahaya  in isaga ay kalsooni ku qabaan, isagoona Qoorqoor la tilmaamay inuu is difaacay.

Sidoo kale Qoorqoor ayaa la xusay in Musharaxiintii u tegtay uu ka codsaday in dalabkooda ku aadan isbedelka Guddiga uu dib ugula noqon doono Madaxda dowladda, kadibna ay mar kale yeelan doonaan kulan, si uu ula wadaago wixii uu kala soo kulmo Madaxdan sare.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee xalay kulanka la qaatay Qoorqoor ayaa waxaa kamid ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post