312 Views

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inay diyaar tahay abaalmarinta uu u ballanqaaday xulka Soomaaliya ee 17 jirada

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inay diyaar tahay abaalmarinta uu u ballanqaaday xulka Soomaaliya ee 17 jirada
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo Magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay xulka kubadda cagta qaranka ee 17 jirada, oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa sheegay in ay diyaar ka tahay bixinta abaalmarinta uu u ballanqaaday.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in uu ku dhiirragelinayo Ciyaartoyda in ay ku hamiyaan ku guuleysiga Koobka Afrika oo ay dhawaan uga qaybgalayaan Dalka Aljeeriya maadaama ay kasoo gudbeen is reeb-reebka ka qaybgalka tartankaas.

“Anigu waxaan idiin ballanqaadayaa, haddaad soo guuleysataan iyo haddii aydan soo guuleysanba, horta hadda waad guuleysateen, saan guul baad ku fadhidaan, laakiin tan abaalmarintu meel bay ku xiran tahay, laakiin haddaad soo qaaddaan koobkana, taas wax weyn bay noqonaysaa, Insha’Allah. Abaalmarinaa leedihiin, haddana waad leedihiin, laakiin way kala weyn yihiin, tan soo socoto haddaad ku guuleysataan, waa abaalmarin qiimo leh oo aad iyo aad u wanaagsan, aadna ugu faraxdaan ayay xukuumaddu bixin doontaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Barre.

Ciyaartoyda Xulka Soomaaliya ayaa Sabtidii 3-1 ku garaacay dhiggooda South Sudan, ka dib ciyaar xiiso iyo xamaasad badan oo ka dhacday Caasimadda Addis Ababa.

Waa markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya ku guuleysatay koobkan waxaana maanta oo Isniin ah lagu wadaa in laga dejiyo Magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post